Muuqaal:Ra’iisul Wasaara Khayre oo Dhagax Dhigay Xarunta Wasaaradda Qorshaynta

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha oo lagu samaynayo dib-u-dhis ballaaran.
Sanduuqa horumarinta dawladda Qatar ayaa maal-gelinaya dhismaha iyo dayactirka lagu samaynayo wasaaradda qorshaynta, arintaas oo qayb ka ah heshiis ay horay u wada saxiixeen labada dawladood ee Soomaaliya iyo Qatar.
Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dawladda Qatar maal gelinta mashruucaan, isaga oo sheegay in dhismaha wasaaraddu uu muhiim u yahay barnaamija xukuummadda, shacabka Soomaaliyeedna ugu baaqay in ay ka qayb qaataan dib u dhiska dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.