Daawo:Madaxwaynaha Puntland oo kusoo laabtay Garoowe

gaas

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa galabta oo taariikhdu tahay 9 Sep 2018 dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda Puntland.
Madaxweynaha iyo weftigiisa oo maanta kasoo kicitimay magaalada Kismaayo ayaa waxaa kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee Janaraal Maxamed Abshir Madaxweyne ku xigeenka Dolwadda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, Guddoomiye kuxugeenka labaad ee Golaha wakiilada Dowladda Puntland, Taliyaha Ciidanka Booliska, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey oo madaxweynaha kusoo dhaweeyey magaalada Garoowe ayaa uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka waxaana uu madaxweyne ku xigeenku sheegay in xaalada guud ee dalku wanaagsan tahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.