Sawiro:Abaanduullaha Ciidanka Xoogga oo kormeer shaqo ku tagay magaaladda Marko

odawaa

Abaanduullaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/guuto Odowaa Yuusuf Raage oo uu wehliyo Taliyaha Guutada 14-ka Oktoobar iyo saraakiil kale, ayaa booqday furumaha ee dagaalka magaalada Marko ee Xarunta gobolka Sh/hoose.
Gen. Odowaa, ayaa mid mid u kormeeray difaacayada Ciidanka Xoogga dalka ay ku leeyihiin magaalada Marko, waxaana uu xog wareystay Ciidanka halkaasi ku sugan, iyaggoo Abaanduulaha Warbixin ka siiyey Xaaladda amni ee Marko.
S/guuto Odowaa yuusuf raage, ayaa waxa uu ciidamada ku dhiirigaliyay in aysan ka niyad jabin dagaalka ka dhanka ah nabadiidka Al-shabaab oo hadda ah Koox aan itaal laheyn oo baxsad ah, isaggoo kula dardaarmay in shaqada adag ee ay hayaan ay sii labo jibaaraan.
Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka, ayaa sheegay in aan loo duqaadan doonin in si sharci darro ah nabadiidka u xasuuqaan dadka shacabka ee aan waxba galabsan, Saraakiisha iyo Ciidanka Magaaladda Marko ku sugan ayuuna faray in ay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Maleeshiyadda Kooxda Alshabaab, si Shacabka looga dul qaado dhibaatada argagixisada ay ku heyso.
odawaa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.