Top News Gaafoow oo ku Guuleystay Kursigii Walalkiis iska Casilay

Gaafow

Doorashada kursi kamid ah Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo maanta ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Gobalka Galgaduud ayaa waxaa ku guuleystay Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud oo ahaa musharax markii horaba lafilaayey inuu ku guulaysanayo kurigaan madaama walaalkii oo xildhibaan ahaa iska casilay.

Musharax Xiireey Muxudiin Cumar oo ah Guddoomiyihii hore ee Degmada Dayniile ee Gobalka Banaadir ayaa la tartamayay Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud balse inta aysan Doorashada bilaaban ayuu ku dhawaaqay Musharax Xiireey inuu tanaasulay, balse Guddiga Doorashooyinka ayaa go’aamiyay inay codeeyaan Ergada oo Tartan lagu kala baxo maadaama sidaas hore loo qorsheeyay.

Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud ayaa helay codad gaaraya 43-cod halka Musharax Xiireey Muxudiin Cumar uu helay 7-cod sida ay ku dhawaaqeen Guddiga, sidaas waxaa fursad u helay inuu ku guuleysto buuxinta kursigaasi ka bannaanaa Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.