Khayre oo Shir Gudoomiyay kulan looga hadlaayay isku darkii Ciidamada

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo shir Gudoomiyey Kulanka todobaadlaha ah ee guddi hoosaadka amniga golaha wasiirradalooga ayaa looga hadlay arrimaha ammaanka, dib-u-habaynta ciidanka iyo dardar-gelinta diiwaan-gelinta ciidamada.

Kulanka ayaa lagu shaaciyay in lagu guulaystay qorshahii ay soo bandhigtay wasaaradda amniga gudaha ee ciidamda hubaysan ee NISA loogu wareejinayay taliska booliiska.

Iyada oo la tixraacayo go’aankii ay gaareen golaha wasiirrada 26-kii Luulyo 2018 ee farayay in ciidamada Booliisku la wareegaan hoggaanka sugidda amniga ayaa waxaa dhammaan ciidamada nabad sugidda iyo hubkoodii –marka laga reebo ciidamada howl-gallada gaarka ah fuliya – lagu wareejiyay taliska booliska Soomaaliyeed.

Kulanka maanta oo ay goob joog ka ahaayeen taliyaasha ciidamada ayaa sidoo kale looga hadlay dardar-gelinta diiwaan-gelinta ciidamada, gaar ahaan nidaamka casriga ah ee kaydinta xogta shakhsiga, si loo fududeeyo xuquuqdooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.