Daawo:Ra’iisul Wasaare Khayre oo Amray Dardar-gelinta Nidaamka Casriga ah ee Diiwaan Gelinta Ciidanka

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo booqday dugsiga tababarka ciidanka ee Janaraal Dhega-badan oo ay ka socoto diiwaan gelinta nidaamka casriga ah ee ciidanka xoogga dalka ayaa saraakiisha shaqada loo xil-saaray ku amray in ay dardar-geliyaan si loogu guulaysto tira koobka ciidanka.
Saraakiisha loo xil saaray diiwaan gelinta nidaamka casriga ah ee ciidanka ayaa ra’iisul wasaare Khayre uga war-bixiyay hannaanka ay u wadaan hawsha, waxa ayna u ballan qaadeen in ay dar-dar geliyaan fulinta qorshaha si waqtiga ugu habboon ay ugu soo gebagebeeyaan tirakoobka ciidanka.
Saraakiisha ku sugan dugsiga tababarka ciidanka ee Janaraal Dhegabadan ee duleedka galbeed magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale ra’iisul wasaaraha u sheegay in ururka Kumaandoosta Danab lagu bilaabay diiwaan gelinta lana wadayo inta guud ahaan xogta ciidanka loogu kaydinayo habka casriga ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.