Booliska oo Magaalada Muqdisho kusoo bandhigay Rag Burcad ah oo dadka Dhici Jiray

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa maanta saldhigga degmada Waabari waxa ay kusoo bandhigeen rag lagu eedeeyay in ay dhac ka geysanayeen degmooyinka Waabari iyo Xamar Jajab, Afhayeenka Booliska Qaasim Axmed Rooble oo warbaahinta kula hadlay saldhigga degmada Waabari ayaa sheegay in kooxdani ay xilliyada habeenkii ah dadka dhac ugaysan jireen, xilligina oo gacanta lagu soo dhigayna ay sharciga hortagi doonaan.

Labada nin ayaa lagu kala sheegay Mahad Cabdi Maxamed oo lagu eedeeyay in uu Baskoolad Askari leeyahay dadka ku dhici jiray iyo Maxamuud Xasan Iidoow oo Mobill-ada dhici jiray, Magaalada Muqdisho ayaa ciidamada ammaanka waxa ay ku hawlan yihiin sidii ay usoo qaban lahaayeen kooxo burcad ah oo xilliyada qaar dadka ugeysta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.