Maqal iyo Muuqaal:Madaxda Baladxaawo Luuq Doolow oo sheegay in Shacabka ay banabixi karaan

axmed madoobe

Deegaanada jubbaland intooda badan Marka laga Reebo inta Alshababka haystaan ayaa waxaa ka dhacay Bananbaxyo Balaraan oo looga soo horjeedo Madaxda sarre ee Jubbaland iyo Dowlada Kenya oo kawada Degaanada jubbaland dil, Dhac. Kufsi, iyo burburin Hanti shacab.

Deegaanada uusan wali kadhacin bananbaxyada ayaa waxaa Kamida Degmooyinka Baladxaawo iyo Luuq iyo Doolow hadaba Musharaxa Madaxwaynaha jubbaland Cabdi MaxemdWarsame “Deeq Faandhe” ayaa waxuu sheegay inuu laxariiray Madaxda Degmooyinka Baladxaawo, Luuq iyo Doolow waxayna sheegeen inay shacabka Degmooyinkaan ay yihiin xor haday banabaxayaan ama joogayaan waa Madaxbanan yihiin ayey dhaheen masuuliyiintaa.

Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland ayaa waxuu baaq udiray shacbak Jubbaland gaar ahan Kuwa Kismaayo, Baladxaawo, Doolow iyo Luuq inay kamid noqdaan shacabka Isbadal doonka ah oo qaybtaan bananbaxyo looga so Horjeedo Maamulka Fashulmay ee Jubbaland iyo Dowlada Kenya oo Dhibaanto ku haysa Bulshada Jubbaland iyo shacabka Soomaliyeed.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.