Muuqaal:Dawladda Soomaaliya ayaa ku wargalisay hay’adaha in ay xafiisyadooda u soo raraan dalka, ka hor bilowga sanadka 2019-ka

wasiir

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo daah furay shirka wadatashiga  hay’daha NGO-yada Caalamiga ah ee mashaaracida horumarineed  ka fuliyo gudaha dalka kuwaasi oo fadhiigooda yahay wadanka Kenya,  ayaa sheegay in loo baahan yahay siddii hay’addaha caalamiga ah ay ula shaqeyn lahaayeen dawladda Soomaaliya, iyaggoo ku shaqeynayo gudaha dalka.
“Sababta aan ula shirnay waxay tahay in aan uu sheegno in dawladda Soomaaliya ay rabto hay’adaha caalmiga ee mashaaricada ka shaqeeyo inay Soomaaliya joogaan, inay qortaan shaqaale Soomaaliyeed, canshuurtana ay bixiyaan” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta XFS.
Wasiirka, ayaa xusay in aysan la shaqeyn doonin hay’adaha xarumahooda aan aheyn gudaha dalka, ayna kala noqonayaan Ruqsada, isaggoo faray dhammaan hay’adaha caalamiga ah in sanadka cusub ay dhaqan galiyaan awaamirta la faray.
“Waa dhammaatay in hay’addaha sanadka cusub dalka dibadiisa ay kusii shaqeeyaan, dawladda Soomaaliya lama shaqeeyn doonto haddii dalka gudagiisa aysan ku shaqeyneynin, waxyna kala noqon doontaa ruqsada shaqada” ayuu yiri Wasii Jamaal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.