Top News:Xildhibaan Axmed Taajir iyo Wasiirka Hawenka jubaland Qamar oo waxba isula Harin

axmed taajir

Shacabka Jubbaland ayaa waxay wadaan Kacdoon shacab oo uga soo horjeedaan Madxada Maamulka jubbaland oo ku Fashilmay waxqabdkii iyo Masuuliyadii ay lahaayeen, Maamlmahaan dambana deegaanada Afmadow iyo Goobway dad qaarna kismaayo laga daabaulay qaarna laga hor istaagay iskuuladii iyo danahoodii gaar ahaa kadibna layiri waa inaad samaysaan Bananbaxyo looga soo Horjeedo dowlada Soomaliya.

Xildhibaan Axmed Taajir oo kamid ahaan jiray Barlaamnaka Jubbaland kana mida Shacabka Isbadal doonka Jubaland ayaa waxay hadalo kulul iswaydaarsadeen wasiirada Haweenka jubbaland Qamar Deeq Xaaji Khaliif oo wasiirada Axmed madoobe ku adeegto una isticmaalo Cayda Madaxda iyo shacabka Soomaliyeed.

Wasiirka Haweenka Jubbaland qamar ayaa Xildhibaan Axmed Taajir usoo qortay berteed a Facebooga Hadaladaan “” Cabdi Taajir ina Adeer Maxaad u qabatay Afmadow markaad Xildhibaanka ahayd””.

Xildhibaan Axmed Taajir ayaa sidaan ugu Jawaabay.]

Qamar Khalif Abaayo waxaan ka xumahay adiga oo masuul ah xog ogaalna u ah meeshii aan ka taagnaa xaaladii ka jirtey Degmada Afmadow iyo hornor la’aanta in aad sidaan u hadasho, hadii aad rabtana shacabka ayaa u soo bandhigi wixii dhacay oo dhan oo ay mid tahay habeenkii ugu danbeysey ee wadahadlkii ka dhacay madaxtooyada aniga iyo Madaxweyne Axmed oo aad goobjoog ka wada aheydeen adiga, Shukri weyrax iyo odayaashii taasoo balantu aheyd in aan afarta xildhibaan yo adiga oo Wasiir ah aan Afmadow tagno maamulna u soo dhisno balse aan waxba ka qabsoomin.
Mar kasta waxaan u taagnaa in shacabka Degmada Afmadow ay helaan xuquuqdoodii, waxaa ahaa Xildhibaan ka kaliya barlamaanka Jubbaland hortiisa keeney in laga doodi xaalada hormar la’aanees,tacadiga,xariga, tarxiilka iyo madax furashada lagu hayey shacabka reer Afmadow uguna yeerey Wasiir ku xigeenka wasaarada Amniga in horyimaado barlamaanka hortiisa si su’aalo looga weydiiyo waxa uu ka ogyahay xadgudubka uu geeysanayey Taliyaha Amniga Afmadow Aar Sheekh Cali, Tv jubbaland laga siidaayey warkaas laakinse nasiib daro lwaa laga saaray wararkii danbe taasioo markhaayiyo leh.
Waxan kaloo barlamaanka uga yeerey wasiirada Wasaradaha Arrinaha Gudaha iyo Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga taasoo la is hortaagey cadeynteedina waan hayaa, si wax looga weydiiyo mashariicda horomarineed.
Mida mashariicda horomarineyd Waxaan hayaa warqadihii aan uqorey hay’aha deeqaha bixiya Kagana codsanayey in Afmadow ay hesho mashariic horomarineed laakin meesha laga dhigey xiro ciidan oo godoon ah cidna anan tagi karin ujeedadii la rabo halaga lahaadee. Waxaan kaloo ka codsanay taliye Ku xigeenka AMISOM sector 2 aniga Xildhibaan Bashiir Baahale in ay nageeyaan Afmadow mana suura galin taasoo ay ka danbeysey faragalin ka timid dhinaca maamulka.
Xildhibaan intii laga rabay waan qabtay laakin aan su’aal ku weydiiyee maamulka muxuu Afmadow u qabtay? Aawey saamigii dhaqaale ea Afmadow ku leheyd dhaqaalaha ka soo xarooda Dekada iyo Garoonka Kismaayo? Canshuurta faraha badan ee dadka deegaanka laga qaado xagey adaa?
Marka Wasiir meesha starta ka quransan tahay waad ogtahayee ilaahey halooga cabsado xilka ummadda loo haayo nin jecleysi waxba tari meyso.
Mahadsanid.

Tani waxay ku tusaysaa Madaxda Sarre ee jubbaland in fashil xoog badan iyo wal wal ku yimid  ayakoo ka baqaya in kacdoonka shacabka Jubbaland sidii daadkii u qaato.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.