Daawo:Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Shir-guddoomiyay Kulan Lagu Dar-dargelinay Qorshaha Samaynta Shilin Soomaaliga Cusub

lacag

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda fereraalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta shir-guddomiyay kulan Muqdisho lagu qabtay oo looga hadlay dhaqaalaha dalka ayna ka qayb galeen xubna ka socda beesha caalamka, daneeyaasha arrimaha Soomaaliya iyo deeq-bixiyaasha.

kulanka maanta ayaa ajandayaashiisa ugu waawayn waxaa kamid dar-dargalinta qorshaha samaynta lacagta cusub ee shilin Soomaaliga ah, waxaana dhammaan dhinacyadii kasoo qayb galay kulanka ay isla garteen in dawladihii iyo hay’adihii ballan qaaday in ay dawladda ka taageerayaan dhaqaalaha lagu daabacayo lacagta oo dhan $41 milyan ay si dhaqsa ah u bixiyaan lacagihii ay ku yabooheen maadaama ay Soomaaliya soo buuxisay shuruudihii laga doonayay si lacag loogu daabaco.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.