Muuqaal:Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaliya oo kormeerey wasaaradda caafimaadka

guuled

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo maanta kormeeray xarunta wasaaradda caafimaadka dalka, ayaa kulan xog-waraysi ah la qaatay wasiirka iyo wasiir ku-xigeenka Wasaaradda.

Wasiirka caafimaadka XFS Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka uga war-bixisay hannaanka ay u socdaan hawlaha wasaaraddu ay u hayso bulshada Soomaaliyeed, waxyaabaha u qabsoomay iyo qorshayaasha horumarinta caafimaadka ee wasaaradda.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku amaannay wasiirka, wasiir ku-xigeenka, agaasimaha guud iyo dhammaan shaqaalaha wasaaaradda caafimaadka shaqada ay hayaan, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay sii laba jibbaaraan si loogu guulaysto tayaynta caafimaadka dalka loona wanaajiyo bed-qabka ummadda Soomaaliyeed.
“Kormeer shaqo ayaan maanta ku tegay wasaaradda caafimaadka, waxa aan la kulmay wasiirka iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda, waxa aan indhaheyga kusoo arkay hawsha wanaagsan ee ka socota”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalku.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.