Maqal iyo Muuqaal:Dowlada soomaliya ayaa ka warbixisay howlgalkii ay ciidamada ku soo afjareen weerarkii argagixisada

wasiir

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in gebi ahaanba howlgalkii argagixisad Al-Shabaab ay ku soo qaadeen xarunta Wasaaradda Arrimaha gudaha oo u dhaw Taalada Sayidka in la soo afjara.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in la laayay dhamaan maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday, isla markaana ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen inay badbaadiyaan dadkii ku jiray gudaha xarunta Wasaaradda Arrimaha gudaha, iyagoo saacado kooban ku soo afjaray howlgalka.

Wasiir Daahir Maxamuud Geelle ayaa tilmaamay in qaraxii maanta uu ka dhashay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, iyadoo dhaawacyada lagu dabiibayo xarumaha caafimaadka, isagoo intaa raaciyay in dhaawacyada cul culus ee gudaha dalka wax looga qaban waayo ay dowladdu diyaar u tahay inay u qaaddo caafimaad dibadda ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.