Taliyaha ciidanka Booliska oo sheegay in Sameynayo Ciidamada C.I.D

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa sheegay in Taliska uu ku howlan yahay sameynta ciidan dhar cad ah oo laga soo xulayo C.I.D, kuwaasi oo ka shaqeyn doono inay ka hortagaan in shacabka laga qaado laaluush iyo in masuq maasuq lagu sameeyo.

“Waxeynu abuureynaa koox ka tirsan C.I.D –da oo ka hortageysa laaluushka “Anti Corraption”, wax loo dul qaadanayo ma jirto, haddaba waan idin sheegayaa, aad uga taxadara, kuwa idinka hooseeyana u sheega, waxaa nalaga rabaa Ciidanka Booliska in aan raadino Sumcad iyo karaamo, waa in Jeebka Muwaadinka uu ammaan inaga helaa” ayuu yiri Gen. Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa hadalkaasi ka sheegay Xaflad tababar loogu furayey Saraakiil iyo Askar ka tirsan Ciidanka ilaalada Nabad gelyada Wadooyinka ee Taraafiko.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.