Guddoomiyaha Barlamanka soomaliya ayaa dalka dib ugu soo laabtay

mursal

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo saddaxdii maalin ee lasoo dhaafay booqasho rasmi ah ku joogay dalka Jamhuuriyadda jabuuti ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ,waxaana garoonka diyaaradaha ee dalka magaaladda muqdisho kusoo dhoweeyay Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka.
AKHRISO

Cabdi kariin Xaaji Cabdi Buux oo ah Xoghhayaha Guud ee Golaha Shacabka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in mudada uu ku sugnaa Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka dalkaasi Jabuuti uu kullamo la qaatay madaxda dalkaasi.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya iyo wafdi xildhibaano ah oo u hogaaminayo ayaa intii ay ku sugnaayeen dalka jamhuuriyada jabuuti waxa ay kulamo halkaasi kula soo qaateen madaxda wadankaasi oo uu ugu horeeyo madaxweynaha jamhuuriyada jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geeele iyagoo sidoo kale ka qeyb galay 27-ka june oo ah sanad guuradii 41-aad ee kasoo wareegatay markii ay jabuuti xornimada qaadatay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.