Ciidamada Puntland ayaa weerar ku qaaday Laascaano Saldhig

ciidan

Wararka laga helayo Magaalada laasa canood ayaa sheegay ciidamada Maamulka puntland ayaa xalay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan Soomaaliland oo ku sugnaa Saldhigyo ku yaala Magaaladaasi.

Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha Dhabta ah ee ka dhashay dagaalkii ay ciidamada Puntland ku qadeen Ciidamada Soomaaliland ee ku sugnaa Saldhigyo ku yaala Magaalada laasa caanood ee gobalka Sool.

Gobalka Sool ayaa waxaa xiligan ka taagan xiisad dagaal oo u dhexeysa Ciidamo kala Taabacsan Maamulada puntland iyo Soomaaliland,iyadoona marar badan dowlada dhexe iyo Beesha calaamka ay ku baaqeen in la qaboojiyo colaad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.