Daawo:Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Oo Xafiis Ka Furatay degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo

balaxaawo

Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyada Soomaliya ayaa markii ugu horreysay waxay xafiis ka furatay degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, Munaasabadda lagu daah furayey xafiiskan ayaa waxaa ka qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada, maamulka degmada Baladxaawo iyo mas’uuliyiin ka socday hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Maamulka Degmada Baladxaawo oo xarigga ka jaray xafiiskaasi ayaa u mahadceliyey madaxdii ka socotay hay’adda socdaallka iyo jinsiyadaha, wuxuuna sheegay in shacabka Degmada Baladxaawo iyo deegaanada ku dhow ay baahi weyn u qabeen helista adeega Baasaboorka Soomaliga.

Shacabka degmada Baladxaawo ayaa iyaguna dhankooda sheegay in hadda ay ka nasan doonaan inay u safraan magaalooyin kale tanina waxay u sahlaysaa helista Baasaboorka Soomaliga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.