Akhriso:Maamul Goboleedyada oo dowladda Somaliya ku raacay Go’aankii ka dhan ahaa Soomaaliland

goboleed

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa war saxaafadeed ay soo saareen ku taageeray go’aanka ay qaadatay dowladda Federaalka ee ku aadan in la hakiyo deeqaha gaarka ee la siiyo Somaliland.
War saxaafadeed ku qornaa  ayaa lagu sheegay in aan la aqbali karin in si gaar ah deeqaha loo siiyo Maamulka Somaliland, iyagoo taageeray qoraalkii Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan ee ku aadanaa in aan la cusbooneysiin nidaamka gaarka ee lagu taageero Somaliland.
Qoraalka oo ay ku saxiixnaayeen Madaxweynayaasha Puntland, Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug ayaa loo diray Beesha Caalamka, iyadoo lagu caddeeyay in nidaamka gaarka ee Somaliland loogu qoondeeyay deeqaha Soomaaliya ka dhaxeeya uu yahay mid halis ku ah qaranimada Soomaaliya.

mamaulgoboled

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.