Booliiska Jubbalnd ayaa weerar ku qaaday guriga Madaxweyne kuxigeenka koobaad ee Jubaland Maxamuud Sayid Adan

sayid

Maleeshiyo hubaysan oo uu watay Maxamed Naasir Guuleed Taliyaha Booliiska Juabalnd ayaa xalay saqdii dhexe weerar ku qaaday guriga Madaxweyne kuxigeenka koobaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Adan waxaana si xoog iyo sharaf daro leh ay ku wateen askari ka tirsan ilaalada Madaxweyne Kuxigeenka Jubaland kaas oo lagu magacaabo Maxamed Dhukow.

Weerarka lagu qaaday Aqalka Madaxwayne Kuxigeenka kowaad jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaan la ogayn qaabka uu ku yimid walaw shalay galinkii danbe gaari nooca xamuulka qaado ee shacab la soo hordhigay albaabka hore ee laga waardiyeeyo guriga Maxamuud Sayid Aadan islamarkaana askarigii waardiga saarnaa xabado kor ugu riday.

Maahan markii ugu horeysay oo masuul ka tirsan jubaland si qabiilaysan loogu qaado weerar, Bilowgii bishii koobaad ee sanadkaan Axmed Taajir oo ka tirsanaa barlamaanka taagta yar ee jubalnd ayaa weerar lagu qaday islamarkaana xarig loogaystay Magalada Kismayo, sidoo kale bartamihii sanadkii hore maleeshiyaad hubaysan ayaa weerar gaystay qasaaro dhimaasho iyo dhaawacba ku qaaday guriga gudoomiyaha Degmada Kismayo Maxamed Ibraahim Yuusuf Tima jilic.

Amarka Lagu weerary Guriga Madaxwyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid aadan ayaa waxaa bixiyey Madaxwayne Jubbaland Axmed Islaan Axmed Madoobe sida ay noo xaqiijiyeen Booliska Magaalada Kismaayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.