Daawo:Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire ayaa Hoygiisa Muqdisho ku qabtay Kulan loogu ducaynayo Nabadoon Farax nuure Xuubay

Xildhibaan Cabdishakur Ali Mire oo kamid ah mudanayasha Gollaha Shacabka ayaa hoygiisa Magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaliya ku sameeyay kulan loogu Ducaynayo allaha unaxariistii Nabadoon Faarax Nuure Xuubey oo 1dii bishaan ku geeriyoday magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Kulankaas afurka iyo ducada ah ayaa waxaa xildhibaanad Cabdi shakuur Cali Mire ku waheliyey Waxgarad, dhalinyaro iyo siyaasiyiin waxayna ilaahay uga baryeeyn in nabadoon Faarax Nuuro xuubay janadii kawaraabiyo eheladii iyo ummada Soomaliyeedna Samir iyo iimaan kasiiyo.

Allaha Unaxariisto Nabadoon Faarax Nuure Xuubay ayaa waxuu kamid ahaa Nabadoon Soomaliyeed kan ugu caansan gaar ahan Gobolada dhexe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.