Daawo:Awaare iyo Shariif Xasan oo Nairobo ujoogay danahooda gaarka ah ayaa Lagusoo dhaweeyey Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, kaddib safar uu ugu maqnaa magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, waxaana Garoonka Caalamiga ah Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Federaalka, iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabelle.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay iskala soo ambabaxeen Dalka Kenya Madaxwaynha Hirshabeele ayaa isagana lagu soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Madaxwaynayashaan ayaa inta badan Waqtigooda ku dhameeyo meelo ka baxsan deegaanadii ay matalayeen waan Masuuliyad daro iyo la xisaabtan la’aan kajirta maamuladaas ay kala matalaan Awaare iyo Shariif Xasan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.