Barlamaanka Soomaliya oo Bari ka doodaya Mooshin laga Keenay Jaawari sida uu sheegay Muuday

muuday

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wargeliyay jiritaanka kulan ay ku yeelanayaan xarunta golaha shacabka kaasi oo sida la sheegay looga hadlayo mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye golaha shacabka Soomaliya Jawaari.

Fariimo qoraaleed loo diray xildhibaanada ayaa lagu sheegay in kulanka beri uu yahay mid looga hadlayo mooshinka laga gudbiyay Guddoomiye Jawaari, Waxaana muuqaneyso inaan xal wanaagsan aan laga gaarin qilaafkii u dhaxeeyey Xildhibanada golaha Shacabka.

Qoraalka loo diray xildhibaanada ayaa waxaa ku saxiixan gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka C/Welli Sheikh Ibraahim Muudeey.
muuday

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.