Xildhibaano kusoo biiray mooshinka Jawaari

jawaari

Waxaa meel xaasaasi ah maraya mooshinka kadhanka ah gudoomiyaha xilkiisa lagu muran sanyahay ee baarlamaanka maxamed sheekh cusmaan jawaari kaasi oo maalinimada barito ah loo madlanyahay in baarlamaanka la horkeeno.

Mooshinka oo dhinacyo kala duwan oo baarlamaan ay riixayeen ayaa waxaa uu dardar cusub lasoo baxay markii ay kusoo biireen xildhibaano ay kamid yihiin cabdirashiid maxamed xidig iyo cabdiraxmaan kulmiye xirsi “cabdiraxmaan dheere “.

Labadani xildhibaan ayaa baarlamaanka dhexdiisa waxa ay kayihiin ciyaaryahanno hadba kooxda ay lajiraan ay guuleystaan , waxaana masawirkooda lagu baahiyay baraha bulshada kadib markii ay kasoo dhex muuqdeen kulan dhoola tuskii u dambeeyey ah oo maanta ay muqdisho kuyeesheen xildhibaanada taageersan mooshinka kadhanka ah gudoomiye jawaari.

Jawaari ayaa codka kalsoonida ah loo qaadi doonaa saacado kadib iyadoo ay hubanti tahay in barqanimo xilka laga qaadi doono gudoomiye jawaari, xeeldheerayaasha siyaasadune waxay qabaan in mooshinkani hadiiba uu wax kawado xildhibaan xidig oo hogaamiya kudhawaad boqol xildhibaan madal ay ku mideysanyihiin in uu guuleysanayo xilkane ay kaqaadi doonaan gudoomiye jawaari.

Sikastaba waxa lasugayo ayaa ah natiijada kasoobixi doonta mooshinka ay waditaankiisa kusoo biireen xildhibaan xidig iyo cabdiraxmaan dheere oo baarlamaanka dhexdiisa saameyn xoog badan kuleh.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.