kulanka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa lafilayaa inuu qabsoomo kaas oo ka duwan kulamadii hore maadaama ay ku shirayaan Xildhibaano kala wata labo hindise oo kala duwan.
Kulanka Maanta ayaa ah mid ka duwan kulamadii hore,waxana xildhibaannada kala wataan labo ajende oo kala duwan xildhibaanada mooshinka ka gudbiyey Gudoomiye Jawaari ayaa lagu wargeliyey in laga doodayo mooshinkii laga keenay gudoomiyaha halka xildhibaanada kulanka ka soo horjeeda iyana lagu wargeliyay in Maanta laga doodayo xiisada Magalada Balad Xaawo.
Xaalada Muqdisho ayaa Maanta ka duwan sidii hore,waxaana dadka muqdisho ay hadal hayaan waxa ka dhalankara kulanka hadii uu Maanta furmo maadaama Xildhibaano iska soo horjeeda ay shirayaan,waxana sidoo kale jirtay in Hay’addaha amniga ay warka soo saareen sugida amniga inta uu socdo kulanka Baarlamaanka.


Leave a Reply