Daawo:Taliyeyaasha Ciidamada oo sheegay Jawaari iyo Mahad Cawad inay ka masuul yihiin fowdadii dhacday Barlamaanka

ciidamada

Shir jaraa’id oo Muqdisho ay siwadjir ah ugu qabteyn taliyayaasha ciidamada Nabadsugida,Booliska,Asluubta iyo Xoogga dalka ayaa waxa ay kaga hadleen Shaqaaqadii Maanta ka dhacday Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya.
Taliyayaasha ayaa waxa ay sheegeen in kulankii golaha Shacabka ee maanta uu u baaqday sababo la xiriira in ciidamo ay wateen Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo ku xigeenkiisa 2aad ay qabsadeen Xarunta Baarlamaanka.

Waxa ay sheegeen in ciidamada ay wateen labadaasi masuul ay ahaayeen Milateri iyo kuwo dharcad ah oo aan la aqoon halka ay ka yimaadeen,isla markaana aan ka mid aheyn talisyada ciidamada.

Ugu dambeyn waxa ay sheegeen in baaritaan dhab ah ku sameyn doonaan halka ay ka tirsanaayeen ciidamadii ay wateen gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo kuxigeenkiisa 2aad Mahad Cabdala Cawad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.