Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka oo kawada hadlay arinta la xariirka shirkada DP World

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa u yeertay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Muqdisho Maxamed Axmed Al-Cusmaan Xamaadi, si wax looga weydiyo arimo dhowr ah oo ay ka mid tahay arinta shirkada DP World.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee xukumada Soomaaliya Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi iyo Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi ayaa kawada hadlay arimo dhowr ah oo la xariira heshiiskii u dhaxeeyay shirkada laga leeyahay Imaaraadka ee DP World, Itoobiya, iyo Soomaaliland kaas oo ku aadanaay qeybsiga waxsoo saarka Dekada Berbara.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay barnaamijyada horumarineed u qeybinayso dhammaan gobollada Soomaaliya iyadoo aan midna laga reebin, ayna aqbali doonin in wax loo dhimo madax-bannaanideeda ayna ogolaan doonin heshiis kasta oo baalmaro shrciga.

Safiirka Imaaraatka ee u fadhiga Soomaaliya ayaa dhankiisa carabka ku adkeeyay in dalkiisa ay si buuxda uga go’an tahay ilaalinta, xushmeynta iyo taageeridda madax banaanida Soomaaliya, isla markaana ay sii joogteen doonaan arintaasi.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, kaddib markii dhowaan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ay ansixiyeen xeer dalka looga mamnuucayo Shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta, waxaana xeerkan uu sugayaa ansixinta Madaxweyne Farmaajo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.