Weeraro iyo dil xalay ka dhacay gobolada SH/Hoose iyo Jubbada Hoose.

Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa xalay waxaa ka dhacay dil iyo weerar lagu qaaday ciidamada AMISOM.

Degmada Afgooye dabley hubeysan ayaa ku dishay Wiil dhalinyaro ah, oo si weyn loo garanayay degmadaasi, sida ay inoo sheegeen dadka degaanka dilka ayaa ka dhacay Xaafada 21 October ee degmada Afooye, dableydii dilka geysatay ayaa ka baxsaday goobta ayagoo ka xeeysatay Mooto uu lahaa marxuumka la dilay.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday fadhiisimo ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Ugaanda ay ku leeyihiin degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka oo muddo kooban socday ayaa leysku adeegsaday hub culus iyo midka fudud, inkastoo oo aan la ogeen khaasaraha dhabta ee ka dhashay dagaalkaasi, dadka deegaanka oo aan la xariirnay waxa ay tilmaameen in dagaal xoogan uu xalay ka dhacay degmada Baraawe, laakiin aysan hubin inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Dhankale dagaal kale ayaa  xalay wuxuu ka dhacay deegaanka Husingow ee gobolka Jubbada Hoose, ka dib markii weerar dagaalamayaasha Al-shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada Kenya ay ka sameysteen deegaankaasi.

Dagaalka oo ahaa mid leysku adeegsaday hubka culus ayaa dadka deegaanka waxay sheegeen in dagaalkaas uu ahaa midkii ugu xooganay oo mudooyinkii dambe ka dhacay deegaankaasi.

Markii uu soo gaba gaboobay dagaalka kadib ayaa ciidamada Kenya ee fadhiisimaha ku leh deegaanka Hoosinkow ee gobolka Jubbada Hoose ee weerarka lagu qaaday ayaa bilaabay in duqeeyaan Howdka deegaankaasi oo ay ku tuhmayaan in ay Al-shabaab ay ka soo abaabulaan weerarada iyo dilalka ka dhaca Gobolkaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.