Kenya oo qaadatay Xaafado kamida Baladxaawo iyo shacabkii oo aasaya Darbiga Kenya

baladxaawo

Magaalada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo waxaa kusoo dulaay Dowlada Kenya oo adeegsanayna Ciidamadeeda Milatariga si ay u boobaan dhulka Soomaliya taas oo keentay xiisad Iyo rabshado dhex maray shacabka Baladxaawo Iyo Ciidamada Kenya.

Rabshadahaan kasoo cusboonaaday Magaalada Baladxaawo ayaa ka dambeysay kadib markii Dowladda Kenya ay dib u bilaawdo derbiga ay ka dhiseyso Xadka iyada oo lagu eedeynayo in ay ku soo xadgudubtay dhulka Soomaaliya.

Shacabka Baladxaawo ayaa waxay sameeyeen inay gacmahooda ku aasaan dhulkii ay Ciidamada Kenya ay rabeen inay darbiga ka dhisaan, darbigaan Kneya dhisayso ayaa waxuu kala qaybinayaa xaafadaha Baladxaawo taas oo ah in Kenya qaadato qayb kamida dhulka Soomaliya.

Dowlada Soomaliya Iyo xildhibaanada Soomaliya ayaan wali ka hadlin dhaca Kenya ku hayso dhulka Soomaliya.
baladxaawo

balad

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.