Kenya oo Ciidamo dheerada ku qabsatay Baladxaawo iyo Xildhibanada iyo dowlada soomaliya oo indhaha Ka qarsaday

Ciidmada Dowlada Kenya oo ku hubaysan Gadiidka dagaalka ayaa waxay kasoo gudbeen xuduuda Soomaliya Iyo Kenya ayakoo Burburiyey Guryo kadib bilaabay dhismo darbi  kaas oo lasoo dhaafiyey xuduuda Kenya ayakoo gudaha loo galiyey darbigaas xududa Soomaliya .

Wararka naga soo gaaray Baladxaawo ayaa waxay sheegayaan in Maamulka Baladxaawo ka hor istagan shacabka inay ka bananbaxaan dhanka kalana Kenya ayaa maamulka Baladxaawo kala hadleen in aysan ka hadlin Xiisadaha u dhaxeeya dadka deegaanka iyo Ciidamada Kenya.

Shacabka Magaalada Baladxaawo ayaa waxaa ku eedeeyeen dowlada Iyo Baralaamanka Soomaliya inay ka gaabiyeen difaca dalka Soomaliyeed madaama Xuududa Iyo Bada labaduba si isku mid ah loo difaaco.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.