Maqal iyo Muuqaal:Bulshada Caabudwaaq oo ku eedeeyey WfP Musuq Maasuq

Kulan ay maantay iskugu yimaadeen Qaar kamid ah Ganacsatada Iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Caabudwaaq ayay ku eedeeyeen Hay’adda WFB in aysan si saxan ubixin Barnamaij u soobaxay Degmada Caabudwaaq oo ahaa makiinadaha loo adeegsado Kaararka Dukaamaysiga ee ay Hay’adda WFB bixiso

Waxaana ay ku eedeeyeen masuuliyiintii Hay’addu ugu soo wakiilatay in ay tartan u sameeyaan Goobaha ganacsiga in ay Musuq maasuqeen oo ay dad gaar ah ka gateen makiinadaha sida ay hadalka udhigeen.

Dhanka kale waxaa naga xasuusin ah in aan xiriir la sameenay Masuuliyiita Hay’adda WFB ee eedeentaan loojeediyay balse way ka jawaabi waayeen wicitaanka aan la sameenay

Waa kuwaanaa qaar kamid ah Ganacsatada iyo qaybaha kale ee Bulshada oo kahadlaya Cabashadooda.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.