SAWIRRO: Dooni Ganacsi oo dab ku qabsaday Nawaaxiga Dekedda Boosaaso

Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Magaalada Boosaaso Dooni ganacsi oo taaganeyd meel u dhow  Dekedda Boosaaso ayaa waxaa qabsaday dab.

Doonta ayaa taagneyd meel dhanka Bari kaga beegan Badwaynta , waxaana dabku uu ka kacay Gudaha doonta.

Doonida ayaa waxa ay siday shidaal iyo Gadiid waxaana ay ka timid dalka Imaaraadka Carabta.

Doontan saaka uu dabku ka kacay ayaa lagu magacaabaa Nuur Saabir, waxayna ay u rarnayd Ganacsato reer Puntland ah.

Doontaan ayaa muddo dhan Afar maalmood taagneyd halkaasi, waxaana ay sugeysay in ay kusoo xirato Dekedda Boosaaso.

Waxaa socda dadaalo lagu bad baadinayo doonta dabku qabsaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.