Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay Mareykanka

Inta la xaqiijiyay  labo ruux ayaa ku dhimatay Saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen Saddex bam oo bashqad la soo galiyay  oo ka dhacay magaalada Austin ee gobolka Texas ee dalka Maraykanka.

Booliisku ma aysan xaqiijinin in dhacdadan habeenkii Axadda ay la xiriirto weerarradii hore, laakiin waxay muwaadiniinta u sheegeen in aysan guryahooda ka soo bixin inta looga caddaynayo in ay goobtoodu ammaan tahay iyo in kale.

Qaraxan dambe ayaa yinid saacado uun ka dib markii ay masuuliyiintu ku dhawaaqeen in ay 100,000 oo doolar oo dheeri ah siin doonaan cid kaste oo siisa macluumaad la xiriira qaraxyadaas..

Brian Manley oo ah taliyaha booliiska ee magaalada Austin ayaa saxafiyiinta u sheegay in weerarradan ay yihiin fariin la dirayo.

Wuxuu sheegay in uusan xaqiijin karin afkaarta ka dambaysa weerarradan, balse dadka masuulka ka ah ayuu ka dalbaday in ay si toos ah ula soo xiriiraan masuuliyiinta.

Lacagtaas caddaanka waxaa sii dheer 15,000 oo doolar oo uu ballan qaaday badhasaabka gobolka.

Labada nin ee la dilay bishan horraanteedii waxay ahaayeen Maraykanka Madaw, booliiskuna wali meesha kama aysan saarin macquulnimada in ragaas loo bartilmaameedsaday midabkooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.