Jaaliyadda gobolka Gedo Columbus Ohio ayaa taageertay wada hadalada maamuladda Mandhera & Beledxawo”Sawiro”

gedo

Jaaliyadda Gobolka Gedo ee magaladda Columbus Ohio ayaa maanta taageero u muujiyay wada hadalada dhinacyada Mandheera iyo Beledxaawo oo dhawaanahan ay xiisado xaduud kala xirashaa u dhaxaysay waxayna wada hadalada xiligan ah ku tilmaameen kuwo lagama maarmaan u ah bulshada labada dhan.

Maamuladda labada dhan oo dhawaan diiday in wax ganacsi iyo isku socod ah uu u kala gudbo labada dhan ayaa waxaa ay bilaabeen wada hadal si xal looga gaaro xiisadihii sababay in labada xaduudood lakala xirto.

Jaaliyada ayaa labada dhan ugu baaqay in a ka dhabeeyaan wada hadalada una daneeyan shacabka labada dhan oo ah kuwo noloshoodu isku tiirsantahay isla markaana aan kala maarmin dhan walba.

Waxay jaaliyadu wax lagu farxo ku tilmaameen wada jirka ay maamulada degmooyinka gobolka Gedo ka qaateen arintaasi oo ahayd mid si wada jir ah ay u wajheen iyaga oo ugu danbayn helay xisaabtan iyo in dowlada Kenya ay wafdi u dirto Mandheera si xiisada loo damiyo taas oo miro dhal noqotay.

Waxgaradkii ka hadlay kulankan ayaa ka sheekeeyay marxaladihii ay xisadahani soo mareen iyo sida loo wajahay taas oo aan ahayn mid labada dhan dhaxalsiisay in ay ku kala joogaan Nabad waarta.

Bashiir Cisman Gulleed oo ah wasiir ku xigeenka Arimaha diinta iyo Awqaafta ee Galmudug oo goob joog ka ahaa kulanka ayaa Labada dowladood ugu baaqay in ay xal ka gaaraan xiisadaha soo noq noda isla markana la dhamaystiro heshiiska biloowmay

Dhawaan iyo boqolaal jawaan oo Jaad ah xaduuda ku gubeen maamulka Beledxaawo iyaga oo uga golahaa in xaduudooda ay xirantahay wax Kenya ya yimidna aysan soo gali karin Somalia Taas badalkeedana Horay ay Magalada Mandheera u xiratay xaduudeeda iyada oo xanibaad saartay Ganacsigii iyo Waxbarashadii Kumanaan arday Soomaaliyeed ah oo subaxdii u kalihi jiray gudaha Mandheera.

Iminka xiisadahaasi waa ay soo idlaadeen maamulada labada dhana waxaa u socda wada hadal dhawaan ay ka soo saari doonaan qodobada lagu heshiiyay.

Deeqo Shire (SONNA)

usa

usa

usa

usa

gedousa

usa

gedousa

gedo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.