dhageyso:Doon ku Gubatay bada boosaaso iyo Ganacsatada Puntland oo Noqday qasaare u taagan

doon

Dekeda Bosaaso meel 5 Mayl ujirta waxaa maanta ku bas beeshay dooni urarnayd ganacsato reer Puntland ah ,taas oo katimid dalka Imaaradka Carabta tankeedana uu ahaa kun iyo halboqol oo tan .

Maamulka dekeda Bosaaso ayaysan u suurta galin in ay bad baadiyaan hantidii saareen doonidaasi. Dabka ka kacay donidan ayaa la sheegay in uu ka dhashay gudaha Matoorka doonida , waxaana ku dhaawacmay 2 qof oo shaqaalihii doonta ka mid ahaa kuwaas oo uu soo gaaray dhaawac fudud .

lama sheegin ilaa iyo hada cadadka ama tirada hantidii saarneed doontan inta ay laegtahay , balse maamulka dekeda Bosaaso ayaa sheegay in ay dib ka soo sheegi doonaan .
.
Hadaba Wasiir kuxigeenka wasaarada dekedaha iyo Gaadiidka bada Puntland C/risaaq Nuur Cumar oo shir jaraaid ku qabtay xarunta Wasaarada dekedaha iyo Gaadiidka bada ayaa faah faahin ka bixiyay khasarihii ka dhashay doonidaasi dagtay iyo hantidii saarneed.

Ganacsatada Puntland ayaa waxaa soo wajahay qasaaro joogto ah mana haystaan dowlad Iyo maamul wax kaqabta dhawaana bay ahayd markii Madaxwaynaha Puntland kuwareejiyey dekada Boosaaso shirkad laga lee yahay dalka Imaardka wax faa’iidana kuma soo kordhin dekada boosaas.

.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.