Fashilka Jubbaland iyo Nidaamka guracan ee Mamulka Talada hayo.

axmed

Jubbaland Waa labo Magac oo isku dhafan hadii aan Qeexo Jubba, qof kasta ayaa garanayo waana Wabiga Jubba ee isku xiro Gobolada Gedo, jubbada Dhexe, iyo Jubbada Hoose, halka Land ay tahay Dhul oo marka la isku qabto jubba iyo land isku soo Jimciso Sadexda Gobol kaas oo noqonayo dhulkii Wabiga Jubba.

mideynta Jubba iyo land waxaa ka dhalatay Mamul isku darka Jubba iyo Labd lagu suntay Jubbaland hase ahaate Mamulkaasi ayaa noqday Mamulkii ugu horeeyey ee loo aqoonsado Jubbaland kaas oo uu hogaamiye ka noqday Axmed Maxamed (Islam) ka dib Dagaalo uu kaga adkaaday Madaxweynayaal badan oo markii ugu horeysay Ay Jubbaland yeelatay balse Hogaamiyaha haatan talada hayo Mamulka Jubbaland ma noqon mid ay u riyaaqeen Umada Reer Jubbaland hogaamiyaha Jubbaland waxa uu ku guuldaraystay hanaanka Mamul iyo wax wada qaybsiga Umada Somaliyed ee ku dhex nool Sadexda Gobol ee Jubbaland.
Arrimaha ugu badan ee uu ku fashilmay Mamulka Jubbaland kow Mareynta Dhaqaalaha Soo galo Jubbaland, Xoreynta Degaanada ka maqan Gacanta Mamulka islamarkaana ay Mamulaan Alshabab, Dhan u dhaafid la’aanta Magalada Kismayo oo aad moodi in looga kaaftoomay Deegaanada kale ee maqan, Go’doonka Degmooyinka ay gacanta ku hayaan Mamulka Jubbaland oo ah kuwo aan Masuul Dowladeed iyo siyaasiba aysan ukala safri karin, Dib u heshiisiin la’aanta Beelaha Somaliyed ee ku kala irdhoobey Dagaaladii sokeeye, U daymo la’aanta Dhibaatada isugu jirto dhaca Dilka Caburinta iyo Tarxiilida, faham darada xoogan ee wax ka qabashada baahiyaha guud ee Deegaanada Gacanta ugu jiro sida arrimaha bulshada, Xakamaynta Ciidamada Xadgudubyada ka geysto Magalooyinka ay ka gacanta ugu jiro gaar ahaan Magalada kismaayo oo ka dhigtay mid tilmaan looga dhigo hab ka duwan Nidaamka la saluugsan yahay ee Mamulka, iska dhaga tirka Cabashooyinka ay qabaan bulshada reer Jubbaland oo ay ugu badan tahay dilka Xariga iyo jirdilka iyo dhaca kaga yimaado dad Masuuliyiin ah iyo Ciidamada nabadsugida

.
Hogaanka Jubbaland xilkiisa uma guto sida waa faqsan sharuucda tastuuriga ah ee uu gacantiisa ku sameystay, mana tix galiyo rabitaanka iyo xuriyada barlamanka uu soo xushay, maadama ay yihiin Wakiilada Mamulka u qaabilsan Shacabka jubbland, waxana guud ahaanba xubnaha kala duwan ee labada gole ee Jubbalandba ay ku shaqeeyaan kaliya rabitaanka hogaankan Mugdiga galiyey Magaca Jubbaland.
Hadaba hadii aad ka heshay qoadan share gare siina gaarsii inta u baahan isbadalka Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.