Madaxweyne Farmaajo oo deg deg loogu baaqay in uu ka hadlo xiisadda Baarlamaanka

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka BFS ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ugu baaqay inuu si deg deg ah ku soo fara geliyo khilaafka u dhaxeeya Xukuumada iyo Madaxweynaha.

Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in Madaxweynaha aan looga baahneyn mar walba oo ay wax dhacaan inuu ka aamuso balse looga baahan yahay inuu cadeeyo go’aankiisa ku aadan arrintan.

Xildhibaanada ayaa si cad u sheegay in xukuumada Soomaaliya ay weerar toos ah ku soo qaaday Baarlamaanka hadii uu madaxweynaha ka aamusana ay u aqoonsanaya mid raali ka ah weerarka baarlamaanka lagu soo qaaday sida ay sheegeen.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa inta badan lagu dhaliilaa inuusan ka hadlin dhadooyinka siyaasadeed ee ka dhaca dalka iyo khilaafyada soo kala dhex gala hay’addaha dowladda, waxa uuna hada madaxweynaha uu xafiiskiisa u wareejiyay xarunta wasaarada gaashaandhiga si KMG ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.