Ciidamada xoogga Dalka oo 30 ka tirsanaa maleyshiyada Al-shabaab ku dilay Gobalka Hiiraan

Jeneraal Maxamed Axmed Tareedisho oo ah taliyaha guutada 52 ee Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed kuna sugan Gobalka hiiraan ee bartamaha Dalka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Dagaal saacado badan qaatay oo shalay ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan lagu dilay 30 horjooge oo ka tirsanaa maleeshiyaadka nabad iyo nolal diidka ah ee Al-shabaab halka gacanta lagu soo dhigay sargaal sare oo maleeshiyaadka ka tirsanaa.

Taliyaha guutada 52 Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Axmed Tareedisho ayaa tilmaamay in Dagaalkaan oo ay qaadeen Ciidamada xoogga Dalka laga gaaray guulo la taaban karo maadaama lagu dilay 30 maleyshiyo ah oo ka tirsanaa dhagar qabayaasha nabad iyo nolal diidka ah ee Al-shabaab.

Ciidamada xoogga Soomaaliya ayaa shalay weerar qorshaysan ku qaaday deegaano maleeshiyaadka nabad diidka ah ee Al-shabaab ku dhibaataynaayeen Shacabka Soomaaliya hasa-yeeshee Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa u taagan bur burinta argagaxisada Al shabaab.

Dagaalka shalay ka dhacay Gobalka Hiraan ayaa qeyb ka ah dadaalada Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gacan ka helaaya maleeshiyaadka nabad diidka ah ee Al-shabaab looga saarayo deegaanada wali looga tuhmaayo Dalka.

Sonna

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.