Itoobiya oo markii ugu horeysay ka hadashay heshiiskii muranka badan dhaliyay ee Dekada Berbera.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda arimaha dibada dalka Ethiopia Malis Alam ayaa sheegay in khilaafka u dhaxeeya dowladda Somalia iyo Somaliland ee ku aadan Heshiiskii dekada Magaalada Berbera ay tahay mid salka ku haysa siyaasad dhanka gudaha ah ee Soomaaliya, Afayeenka ayaa xusay in Dowlada Ethopia ay marnaba  ay soo faragalin doonin siyaasada gudaha ee Soomaaliya.

Hadalka dowladda Ethiopia ayaa imaanaya kadib markii ay xukuumada Somalia ay ka hortimid heshiiska Somaliland iyo shirkada DP world ee ku aadanay saami qeybsiga dekada Magaalada Berbera, Heshiiskaas oo Dowlada Ethopia ay qeyb ka aheed, laakiin Wasaarada arimaha Dibada Ethopia ayaa shaacisay in Ethopia ay ku lug lahaan doonin Khilaafkaasi.

Afhayeenka ayaa shir’jaraaid ku qabtay magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethopia, gaba gabadii shirk looga hadlayay gudiga xuduudaha oo ay lahaayen dowladdaha Jabuuti iyo Ethiopia.

Mr Alam ayaa shaaca ka qaaday inaysan faraha lasoo gali doonin siyaasadaha gudaha Soomaaliya waxana uu xaqiijiyay xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya uu yahay mid taarikhi ah oo salaysan taagerida dhinaca xasilonida gobolka.

Horaantii bishaan March waxa ay kala saxiixdeen shirkadda DP world,Somaliland iyo Ethiopia heshiiska berbera.

Ethiopia ayaa yeelan doonta saami dhan 19 boqolkiiba wax soo saarka degadaasi,DP world ayaa heli doonta boqolkiiba 51 halka Somaliland ay yeelan doonto 30 boqolkiiba.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.