Fashilkii Guddoomiye ku xigeenka Kowaad Cabduweli Ibraahim Muudeey W/Q Axmed Xasan Cabdulle

muuday

Sida la wada og yahay Mooshinkii Pro Jawaari laga keenay wuxuu ka ka koobna 5 qodob, oo ahaa Mooshin aan sharciga ku saleysneyn iyo Mooshin waafaqsan Qod. 92=d ee Dastuurka, uu ahaa khilaaf siyaasadeed Kheyr iyo Jawaari u dhaxeeyey arinta DP World uu Kheyr uu ka doodayey in aan baarlamaanka la horkeenin, isla markaana RW Kheyr si qarsoodi u wada shaqeynaayey Mne Muudey iyo golahiisa waziirada oo u badan xilibaano qaran.

Markii guddiga joogtada ee Baarlamaanka tixgelinayeen tilmaamaha isla Qod. 92 aad Faq. (2 aad) ee qeexaya soo jeedinta (Mooshin) Xil Ka Qaadista Guddoomiyaha BFS, kaasoo sheegaya in Mooshinka Xil Ka Qaadista Guddoomiyaha BFS ay Golaha Shacabka hor keeni karaana ugu yaraan 92 xubnaha Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliyeed, hase yeeshe mooshinka uu noqday mid sharciga aan waafiqsaneyn oo dhamestirnayn, sidaasi ku burburey fashilmay.

Guddoomiye ku xigeenka Kowaad Mne Abdi weli Muudey goob joog ka aha markii Xoghaya joogtada Baarlamaanka shir jaraaid qabanayey, sida muuqadta waxaa uu Mudane Mudey markaasi:-

• uu miirkisa qabay
• uu oo caafimaadkiisa hagaagsana maqal iyo muuqaal ahaanba
• uu goobjoog ka ahaa markii gudoonka iyo guddiga baarlamaanka laga doodayey arinta mooshinka
• Uu ku hor aqriyey qoraalada xilibaanada ka noqday mooshin Guddoomiyaha.
• Uga dembeyna goob joog ka ahaa shir-jaraaidka.
• Uu afkiisa ku cadeeyey tirada xilibaanada mooshin ka soo gudbiyeen
• Waqti aan munaasib aheyn iyo si aan protocol aheyn shir jaraaid uu qabtay gurigii Cabdiraxman Cabdishakuur xili saq dhexe.

Waxaa uu si bareer ah uga xad gudbay masuuliyadii ka saarneyd fulinta, dhawıista Xeeı Hoosaadka baarlamaanka iyo ilaalinta nidaamka golaha, wuxuuna ilaalin waayey habsami u socodka hawlaha Golaha, sida ku cad Qod. Qod. 7••d faqraddiisa 1••.

Haddaba, Guddoomiye ku xigeen koowad Mne Muudey wuxuu si bareer ah u jebiyey Qodob Dastuuri ah isagoo uu qabtay shir jaraaid oo aan protocol laheyn oo aan ka warheyn guddoonka golaha shacabka, uu u dhaqmay sidii hogaamiye kooxeedyadii soo dhaafnay xiliga 1990 ilaa 2004

Waxaa Qoray Axmed Xasan Cabdulle

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.