Daawo:Gudoomiye Jawaari oo sheegay in Xukuumada ay ka dambeyso Mooshinka laga gudbiyay

jawaari

Gudoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,Caawa ayuu Jawaari ayaa si faah faahsan uga hadlay Mooshinka ka dhanka ah, Waxa uu si cad u sheegay in Mooshinka laga soo abaabulayo Xafiiska Raisul Wasaaraha,waxaana uu tilmaamay in la doonayo in la wiiqo awooda Golaha Shacabka,

Waxa uu soo hadal qaaday arinta Ciidamada Caawa la wareegay Xarunta Golaha Shacabka oo ay Xildhibaanada ku shiraan,isaga oo sheegay wixii xaruntaa ka dhaca ay mas’uuliyadeeda qaadeyso cida soo amartay Ciidanka la wareegay Xaruntaasi.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in uusan shir gudoomi doonin Kulanka Berri ee Golaha Shacabka oo looga hadlayo Mooshinka laga gudbiyay,balse waxa uu shaki galiyay in xaruntaas lagu qabto Codeynta Mooshinka,isaga oo sheegay in xaruntaa ay gacanta ugu jirto Xukuumada Federalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.