Dowlada iiraan oo Doonaysa inay Saldhig Ciidan oo gataalada Ridada Dheer lagu xiro laga Siiyo Deegaanada Puntland iyo Galmudug

iran

Xirirka Soomaliya Iyo dowlada Imaaradka ayaa sii Xumaanaya kadib markii is fahan waa  la xiriira Shirkada DP World Iyo saldhiga Militari ee imaaraadka ka dhisanayaan Berbera,  Dalalka Bariga  dhexe qaarkood ayaa waxaay ka walaacsan yihiin saldhiga Militari ee Imaardka ka dhisanayaan Soomaliya.

Sida ay kusoo waramayso Shirkada is gaarsiinta dalka Iiraan Islamic Republic of Iran News Network (IRINN) ayaa sheegaysa in dowlada Iiraan doonayso inay wada hadal lagalaan dowlada Soomaliya si ay Xero Ciidaan oo ay ku xirtaan Gataalada ridada dheer uga Helaan Soomaliya Gaar ahaan Deegaanada Puntland Iyo Galmudug madaama Berbera oo ah goob ay Imaraadka Xero milatari ka sameysanayaan.

Xiriirka u dhaxeeya Iraan Iyo Imaardka ayaa mudooyinkii dambe liitay sababtoo ah iiraan ayaa waxay taageero siisaa kooxaha Xuutiyiinyta ee ka dagaalama DalkaYemen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.