Sawirro:-Wasiirka Kalluumeysiga Oo Ankara Kula Kulmay Madax Ka Tirsan Dowladda Turkiga

Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa ku sugan wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan  Maxamed Cabdi Xaaashi  iyo Mas’uuliyiin kale,waxayna kulamo kala duwan ay la qaateen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda aan walaalaha nahay ee  dalka Turkiga .

Wasiirka oo uu wehlinayay Danjiraha Soomaliya u fadhiya dalka turkiga  danjire Jamac Cabdullahi Maxamed Caydiid , Senator  Ilyas Cali Xasan iyo lataliyaha Wasiirka   ayaa la qaatay kulamo kala duwan Wasiirka Dhaqaalaha ee dalka Turkiga Mudane Nihat Zeybeci iyo madaxa  hay’ada horumarinta Caalamiga ah Tika Dr Serdar  Cam.

Wasiirka ayaa kala hadlay  Wasiirka Dhaqaalaha ee dalka Turkiga madane Nihat Zeybeci  intii uu socday shirka sidii  loo hormarin lahaa kalluumeysiga Soomaliya,maadaama dowladda Somaaliya ay baahiweyn u qabto ka faa’idaysiga kheyraadka dalka,Si dowladda Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada ay uga faa’idaystaan kheyraadka wadanka uu leeyahay  , shaqo abuurna loogu sameeyo dhalinyarada shaqo la’aanta ah  ee ku nool wadanka gudihiisa  .

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda mudane Cabdiraxmaan  Maxamed Cabdi Xaaashi  iyo madaxa hay’ada horumarinta Caalamiga ah Tika Dr Serdar  Cam ayaa ka wada hadlay  intii uu shirka socday sidii ay TiKa uga caawin laheyd qalabka kalluumeysiga kalluumeysatada Soomaaliyeed,ugana hirgelin laheyd warshadaha kalluunka  gudaha Dalka Soomaaliya,si ay bulshada Soomaaliyeed uga faa’idaystaan kheyraadka dalkooda.

Madaxa hay’ada TIKA Dr Serdar  ayaa si diiran u soo dhaweeyay kulanka Wasiirka  kuna tilmaamay wax lagu farxo,ayna ka  go’antahay sidii ay uga hirgelin lahaayeen mashaariic farabadan gudaha dalka Soomaaliya uguna horeeyo kheyraadka dalka uu leeyahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.