Saraakiisha Ciidanka Xoogga oo sheegay in ay dileen 7 Dagaalame oo ka tirsanaa Shabaa

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegeen weerar ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee Jubbaland in ay ku dileen 7 dagaalame oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab.

Saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen in Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ay markale weerar ku qaadeen degaanka Wirkooy oo ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al-shabaab.

Weerarka oo ahaa mid kadis ah ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland waxa ay la eegteen Saldhiga ururka Al Shabaab ee degaanka Wirkoy, inkastoo Shabaab ay iska caabiyeen dagaalka kaga yimid dhanka Al-Shabaab.

Taliyaha Millatariga Soomaaliya ee magaalada Kismaayo, Mukhtar Cabdi ayaa wariyeyaasha u sheegay in ciidamadu ay weerar qorsheysan ku qaadeen Shabaab, ayna ka dileen ilaa 7 Dagaalame, dhankooda ayuu sheegay in weerarkaasi looga dhaawacay Hal Askari oo kaliya.

Sidoo kale Taliyaha Millatariga Soomaaliya ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Ciidanka maalmaha soo socda ay qaadi doonaan dagaallo kale oo culus, si Shabaab looga saaro degaano ka tirsan Jubbaland..

Wirkoy ayaa waxaa ku sugnaa Ciidamo ka tirsan Ururka Al-Shabaab, ciidanka weerarkan qaaday ayaa ka ambabaxay degaanka Buulo gaduud ee Gobolka Jubbada Hoose oo qiyaastii 30-KM u jirta degaanka Wirkoy.

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland ayaa hadda waxa ay ku sugan yihiin duleedka degaanka Wirkoy ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo Al-Shabaab lagu soo waramayo inay isaga baxeen gudaha degaankaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.