Xildhibaano kamid ah Golaha shacabka oo sheegay in Mooshinka ka dhanka ah Jawaari ay soo abaabushay Xukuumadda.

iyadoo maanta xildhibaano badan oo ka tirsan Golaha Shacabka ay diyaariyeen mooshin kalsoonida loogala noqonayo Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Prof Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa xildhibaano qaar waxaa ay sheegeen in mooshinkaasi ay ka dambeyso xukuumada Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamuud Cabdullahi Abuukaate oo warbaahinta qaar caawa la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in xukuumada ay ka dambeyso mooshinka islamarkaana xildhibaanada saxiixay 40-kamid ah ay yihiin Wasiiro xildhibaano ah.

Sidoo kale Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in mooshinka laga soo diyaariyay Villa Soomaaliya uuna fashilmay sida uu tilmaamay.

Xildhibaan Khaliid Cabdi Cumar ayaa  iyana waxaa uu sheegay in mooshinka uusan noqon sidi la rabay oo lagu fashilmay , xildhibaanada riixaya ee saxiixayna ay ku jiraan wasiiro kamid ah Xukuumada Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre.

sikastaba mooshinka ayaa noqday mid fashilmay kadib markii ay sidaasi ku dhawaaqeen Gudiga joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.