Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Oo Maanta Shir Ka Furaya Magaalada Baydhabo

Saacadaha soo socda ee Maanta ayaa la filayaa in Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay uu ka furmo Shirka Afaraad ee Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka oo ay martigelisay Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shalay Duhurkii ayaa waxaa Baydhabo gaaray wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay qeyb ka yihiin Wasiirada Dastuurka Dowlad Goboleedyada,waxana uu Maanta furi doonaa Shirka Afaraad ee Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka.

Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa Dalsan u sheegay xili uu wareysi siinayay in shirka uu Maanta furmi doono isla markaana uu socon doono mudo laba Maalin ah.

Shirka Afaraad ee Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ayaa horay waxaa loogu soo qabtay Xarumaha Dowlad goboleedyada intooda badan,waxana sidoo kale lagu qaban doonaa Xarumaha kale si looga qeyb qaato dhameystirka Dastuurka qabyada ah ee dalka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.