Daawo:Aqalka Sare oo ansixiyay xeerka Dhowridda Gobanimada iyo Midnimada Soomaaliya

aqalka sare

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay Xeerka Dhowridda Gobanimada iyo Midnimada Geyiga Soomaaliya, kaas oo horay ay u soo ansixiyeen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Labadii maalmood ee la soo dhaacay ayaa xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ay aad uga doodayeen xeerkaan, iyadoo xildhibaanada qaar ay soo jeediyeen in dib loo dhigo.
kulanka maanta ayaa waxaa soo xaadiray 36-xildhibaan oo ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Waxaa ogolaaday xeerkaan 28-xildhibaan, waxaa diiday 6-xildhibaan iyadoo ay ka aamuseen labo xildhibaan oo kaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.