Hubkii ugu badnaa abid ee ka dego tekada weyn ee Kismayo oo caawa daga

hub

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta Kumeel gaarka ah ee Maamulka Jubbaland ayaa waxay sheegayaan Markab oo lagu magacaabo Malaako Harbool ayna leedahay Dowlada Imaaraatka Carabta oo siday hub fara badan ayaa caawa laga dajiyey Magalada Kismayo sida ay ilo lagu kalsoonan karo xaqiijiyeen, dowlada Imaaraatka Carabta ayaa agagaarka garoonka diyaaradaha Kismayo ku leh Saldhig Ciidan sidoo kalana waxayna tababartaa qaar ka mid ah Ciidamo ay leeyihiin Mamulka Jubaland.

Hubkaan oo isugu jiro noocyada kala duwan ee Qoryaha waweyn iyo kuwa yar yar iyo sidoo kale rasaastooda inta badana la sheegey in ay yihiin Pistooladaha aan shanqarin oo sida la soo sheegayo Dowlada Imaaraatka Carabta ay ka dajisay Tekada weyn ee Kismayo ayaan la ogeyn halka sida rasmiga ah loogu wado walow ay macquul tahay in hubkaasi gacanta loo galiyo Alshabab.

Dowlada Imaaraatka Carabta ayaa buuq siyaasadeed kula jirto Dowlada Faderalka Somaliya ka dib wixii ka danbeeyey markii Dowlada Somaliya ay gaashaanka ku dhufatay heshiis la sheegey in ay dhexmartay shirkad lagu magacaabo DPworld oo laga leeyahay Dalka Imaaraatka Carabta iyo Mamulka Somaliland ee takada Barbara islamarkaana Shirkadaasi ay Golaha Shacabka Dowlada Faderalka Somaliya kaga mamnuucday guud ahaanba Dalka Somaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.