Sawirro:-Wasiirka Dastuurka Iyo Xubno La Socda Oo Gaaray Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay waxaa gaaray wefdi uu hogaaminayay Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Wafdiga ayaa waxa siweyn Garoonka Diyaaradaha Baydhabo ugu soo dhaweeyay Masuliyiin ka tirsan Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo ugu horeeyo Wasiirka dastuurka Koonfur Galbeed Cabdullahi Sheekh Xasan,Wasiirka Amniga iyo amsuuliyiin kale.

Wafdiga ayaa waxaa intaasi akdib loo gudbiyay Xarunta  Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya waxana xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed ku qaabiley Kusimaha Madaxweynaha Koonfur galbeed ahna wasiirka Amniga Xasan Xuseen Maxamed (eeley)

Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed Cabdulaahi Sheekh Xasan oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in magalada baydhabo ka furmi doono shir u dhaxeeya Maamul Goboleedyada Iyo Dowladda federaalka Soomaaliya.

Hoos Ka Daawo Sawirada soo dhaweynta Wafdiga ee Magaalada Baydhabo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.