Kalfadhiga sadexaad ee Golaha shacabka oo ku bilowday mooshino iska soo horjeeda.

Furnaanshaha kalfadhiga sadexaad ee Golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa siyaasiyiin badan hore u sii sheegeen in laga filan karo mooshino waa tan se durba kadib kulanka 1aad ee kalfadhiga 3aad mooshin ay saxiixeen xildhinaabo badan laga gudbiyay Gudoomiyaha Golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh cismaan Jawaari.

Waxay ahayd aroorti hore ee maanta markii xildhibaano badan ay u yeeren bahda wararka faafisa si ay ula wadaagaan mooshin ay saxiiseen in ka badan 100 xildhibaan kaas oo kalsoonida loogala noqonayo Prof Jawaari uuna aqbalay gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka Cabdiwali Ibraahim shiiq muudey.

Xildhibaanada ayaa qaarkood la hadlay warbaahinta waxaana ay sharaxeen qodobada keenay in ay soo jeediyaan kalsooni kala laabashada gudoomiye Jawaari , Xildhibaan Cabdullahi Shiikh ismaaciil ayaana aqriyay waxaana uu sheegay in dhowr qodob oo dastuuri ah uu jebiyay Gudoomiye Jawaari.

Mooshinka ayaa ah mid ay xildhibaanadu u soo gudbiyen si layaab leh waa tan hore waqtiga ay gudbiyeen oo noqday kadib kulanka 1aad ee kalfadhiga 3aad golaha shacabka baarlamanka Soomaaliya iyo Sidoo kale in aan lala sugin inta uu waaga si wanaagsan uga baryayo oo ay xildhibaanada sheegeen in ay ka shaqeeyeen habeenki xalay ahaa.

Waxaa dad badan oo Siyaasadda u dhuun duleela tilmaameen in wax la sii saadalaniyay aysan ahayn mooshin ka dhan Prof jawaari balse ay maqlayeen guux ku aadan in Jawaari qudhiisa uu gacanta ku hayo mooshin ay diyaariyeen xildhibaano badan kaas oo la tilmaamay in la doonayo in kursiga looga tuuro  R/W Kheyre.

Daahir Amiin jeesow oo kamid ah xubnaha Golaha shacabka safka horena kaga jira xildhibnada gudbiyay mooshinka ka dhank ah Maxamed sheikh Jawaari ayaa sheegay in gudoomiyaha uu ku guuldareystay inuu xilka u guto sidii loo baahnaa.

Xaalada siyaasad ee dalka ayaa ahayd mid dagan intii uu xernaa kalfadhiga baarlamanka marka loo eego hada iyo kahor inta aan la xerin kalfadhigi hore.

Mooshinkaan ayaanan sidoo kale wali la shaacin xiliga la horgeyn doono kulanka Golaha shacabka.

Waxaana sidoo kale uu ku soo aadaya xilli golaha meel mariyeen heshiis dalka looga mamnuucayo shirkadda dekadaha ku shaqada leh lagana leeyahay Imaaradaka ee DPWorld la yiraahdo.

Sababaha soo dadajiyay soo gudbinta mooshinkan  ayaa ay xildhibaanada qaar ku micneeyeen dhowr qodob oo ay kamid yihiin in lagu qaboojinayo mooshin la tilmaamay in looga soo horjeedo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ,  in xeerka lagu mamnuucay shirkadda DPWorld uu ka yimid culeyska iyo in ay jiraan siyaasiyiin kale oo kursiga jawaari damac uga jiro gadaalna ka riixaya mooshinka.

Mooshinkaan ayaa hadii uu guuleysto waxaa ay noqoneysaa in Golaha shacabka iska soo dhex doortaan Gudoon Cusub , waxaase laga dhowr sugayaa kulamada soo socda ee Golaha shacabka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.