Deg-Deg:-Gudiga Joogtada ah ee Golaha shacabka oo leh kulan deg deg ah.

deg

Wararka uu helayo gedotimes ayaa sheegaya in uu socdo kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen Gudiga Joogtada ah ee Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka oo ah mid gudiga la isugu yeeray ayaa waxaa looga hadlayaa arinka soo kordhay ee ah mooshinka kalsoonida loogala noqonayo gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari oo ay gudbiyeen in kabadan 100 xildhibaan.

Kulanka ayaa ah mid ay albabada u xiranyihiin oo ay Saxaafada dibad joog ka tahay ayaa waxaa saacadaha soo socda laga sugayaa waxa ka soo baxa.

waxaana xildhibaano aan la xiriiray ay iisheegeen in laga hadlayo sax ahaan shaha mooshinka laga gudbiyay gudoomiye jawaari iyo xiliga lahorgeyn doono kulamada Golaha shacabka.

waxaa sidoo kale jira in kulamo gooni gooni uu Prof jawaari la leeyahay xildhinaano ka tirsan Golaha shacabka kuwaas oo uu kala hadlay dhabar jebinta mooshinka laga gudbiyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.